Dhageyso:-Sacuudiga oo Soomaaliya ku Cadaadinaya in Qatar ay Xiriirka u Jarto

Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.

Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balan qaaday inuu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku imaan karo haddii ay Soomaaliya ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan Sacuudiga taageerin.

Wasiirro ka socda dowladda Somalia ayaa ka soo noqday safar ay ku tageen Sacuudiga, waxaana la sheegay inay la kulmeen oo kaliya agaasimayaal, halkii markii hore qorshuhu ahaa inay la kulmaan wasiirada dhigooda ee Sacuudiga.

Safiirka Scuudig u fadhiya Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlaya Arimaha ka imaankara Arinta Sucuudiga iyo Qatar.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media