Dhgeyso:-Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Howlgallo kala duwan ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxa ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe oo la hadlay Radio Dalsan Xarunta Warqabadka uu ku leeyahay Shabeellaha Hoose, ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degamda Baraawe.

Aadan Cumar Madoobe Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa ay Ciidamadu kala wareegaan Al-Shabaab tuulooyinka ku teedsan degmada Baraawe.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Afgooye ka soo diray Maxamed Cusmaan Ma’da

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media