Dhagayso: Ra”isulwasaaraha Soomaaliya” Waxaan Tayeeneynaa Sirdoonkeena Si Looga Hortago Qaraxyada Ay Maleegayaan Al Shabaab

Ra”isulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay shaqada hey,adda nabadsugida qaranka ayaa sheegay in guulo waweyn ay ka gareen xaqiijinta amaanka dalka.

Waxa uu sheegay Ra’isulwasaaruhu in sanadkaan 2018 uu qorshuhu yahay in la tayeeyo hey,adaha amniga si ay uga hor tagaan weerarada iyo qaraxyada Al-shabab ay gestaan.

Hadalkaan ayaa Ra”isulwasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu ka sheegay munaasabad lagu xusayay 48 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka nabadsugidda Soomaliya oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Ra”isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media