Dhagyso:- Saraakiisha Ciidamada G/Hiiraan Waxaa Bilowday Hoolgal Al Shabab Looga Saarayo Soomaaliya

Taliyaha guutada tobanaad ee ciidamada xooga dalka Soomaliya ee gobalka hiiraan generaal Axmed Tabane Gureey oo manta warbaahinta kual hadlay magalada Baladweyne Ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa uu faafaahin ka bixiyay dagaal iyo howlgalo ka dhan ah alshabaab oo ay ka sameeyeen deegano ka tirsan gobalka hiiraan.

Taliayaha ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ethopiya oo qeybta ka ah cidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan gobalka hiiraan iyo ciidamada dowlada oo iskashanayaan ay bilaabeen howlgal ka dhan ah alshabaab kaas oo alshabaab loga saarayo deeganada fara ku tiriska ah oo ay kaga sugan yihiin gobalka hiiraa.

Isagoo tilmamay in deegaano ka mid ah gobalka hiiraan uu dagaal ku dhexmaray cidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo iskashanayaan iyo dagalyahanada Al Shabaab waxa uuna intaas ku daray in ay howlaglaka ay wadayaan inta alshabaab ay ka sarayaan qeybaha ay kaga sugan yihiin gobalka hiraan.

Mudooyinki dambe waxaa gobalka Hiraan ka jiray howlgalo ay sarakisha ciidamada ay ku sheegen in lagu sugaayo amniga iyo dagaalo ka dhan ah alshabaab kuwaas oo loga saarayo deganada ay kaga sugan yihiin deeganada hirshabelle gaar ahaan gobalka hiiraan.

Halkaan Ka Dhagayso Codka generaal Axmed Tabane.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media