Dhageyso:-Yuusuf Indhacade”Dadka dagaalada nooga dhinta kuwa Imaaraadka dila ayaa ka badan waana Cirbad nagu surneyd”

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee waqtigaan u dhaxeeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo waxa sababay.

Yuusuf Indhacade ayaa marka hore sheegay in Dowladda Imaaraadka aysan dalka Soomaaliya u imaan in dadka Soomaaliyeed ay kaalmeyso balse ay u timid sidii ay u curyaamin laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ay Imaaradka Soomaliya u yimaadeen ay tahay hinaaso Siyaasadeed,oo uu shegay in gurmadii dowladda Turkiga ay Soomaaliya u bilaawday Sanadkii 2011 kadib abaartii dalka ka dhacday ay aad uga xumaadeen taasina ay iskudayeen in ay curyaamiyaan dowladda iyo dadka soomaaliyeed.

“Runtii dowladda Imaaraadka dalkeena lugooyo mooyee wax faa’iido ah kuma qabin dalkeena waxa ay keeni jireyn daawooyin dhacay iyo raashin dhacay,waxana idin sheegayaa in dadka soomaliyeed ee dagaalada ku dhinta iyo kuwo imaaradka uu dilo waxaa badan kuwa imaaraadka marka waxan uga mahad celinayaa dowladda soomaaliya,waxna heli doonaan dowladdo ka wanaagsan oo inoo bedela ayuu yiri Yuusuf Indhacade”

Wareysiga Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa sidoo kale waxa uu ku  sheegay in waxyaabaha xiligaan keenay khilaafka dowladda iyo Imaaraadka ay soo dedejisay in ay tahay in Imaaraadku uu doonayo in dowladda Soomaaliya uu siduu doonto ka yeesho taasina ay dowladdu ku gacan seyrtay.

Sidoo kale waxaa wax laga weeydiiyey hadalkii ka soo baxay dowladda Imaaradka ee ahaa in ay joojiyeen howlihii tababarka oo ay ka wadeen Soomaaliya iyo saameynta ay reebi karaan ama waxa ka dhalan karo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade)

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media