Dhageyso:-Yaxye Sheekh Cali”Cid kasta oo ku xadgudubta Dastuurka Galmudug talaabo ayaan ka qaadeeynaa”

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowlad goboleedka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Cadaado ee Xrunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Waxa uu sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta dastuurka u yaalla Galmudug ay talaabo ka qaadi doonaan isla markaana aysan jiri doonin cid faragelin ku sameneysa Dastuurka taasina aan la aqbali doonin.

Sidoo akle waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in qof walba ee dembi  gasha  Sharciga la horgeyn doono taasina ay tahay Waajib muqadas ah.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili Shalay War qoraal ah oo uu saaaray uu ugu yeeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha Baarlaamanka qaar ka mid ah xildhibaanada in mudo Saddex  Maalin Gudahood ah ay ku yimaadaan Maxkamada horteeda kadib markii ay soo gaartay dacwad ka dhan ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media