Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya”Shaqada Garoonka Aadan-Cadde uma hakan Sababo amni”

Maalmihii la soo dhaafay Idaacadaha qaar ee Muqdisho ka howlgalla waxa ay baahinayeen in Shaqadii Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho intooda badan ay hakad u gashay Sababo dhanka amniga ah.

Inta badan waxaa laga hadlayay in ay jiraan qaraxyo laga cabsiqabo in ay Garoonka ka geystaan Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya Gawaari ay ka qabsadeen Ciidamada AMISOM balse waxaa Wararkaas oo dhan Maanta beeniyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan.

Shir Jaraa’id ayuu Maanta Warbaahinta Muqdisho ugu qabtay, waxa uuna sheegay in aan waxba ka jirin wararkaas sheegaya in Shaqada Garoonka ay hakad gashay.

“Runtii maalmahaan waxaa leysla dhex marayay in dhibaatooyin amniga xagiisa ah ay jiraan waxana idin sheegayaa in aysan jirin wax hakad galay cabsi amni darted shaqadu waa ay socotaa maalinba maalinta ka dambeysa Shaqada waa ay sii ballaaraneysaa waliba xataa xiliyada habeenkii ayuu Shaqeeya Garoonka ayuu yiri Wasiirka.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id ee Wasiirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media