Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Bulshada Muqdisho aan la weydiin doonin kaarar Aqoonsi oo ay ku maraan Wadooyinka

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Wasaarada amniga xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow ducaale oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo gaba gabeynayay Barnaamijka Hiigsiga Caasimadda.

Wasiirka ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho aan la weyydiin doonin kaararka Aqoonsiga, balse ay dhici doonto kaliya in ciidamadu ay baaraan.

Waxa uu shegay Wasiirka in arrintaan ay uga jawaabayaan Cabsho uga timid inta badan Bulsahda ku nool gobolkaan Banaadir.

Sikastaba hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili mararka qaar Shjacabka Muqdisho la weeydiiyo Kaararka Aqoonsiga, taas oo dhibaato ku noqota.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media