Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay wado qorsho lagu tayeynayo Ciidamada

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in lagu jiro dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wax uu sheegay in la wada ogsoon yahay in tan iyo burburkii dalka ay ciidamadu ku jireen duruufo adag ayna u sii dheereed dagaalka ay mar waliba kula jiraan Al-Shabaab balse xiligaan ay yihiin kuwo ka soo kabsanaya.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Ra’iisul Wasaare Kheyre ay diyaar u tahay qalabeynta iyo tayenta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr mar balan qaaday in ay waqti badan siin doono sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Ciidamada si ay waajibkooda qaran u gutaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media