Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta shir ka fureysa Magaalada Garoowe

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunt Gobolka Nugaal Puntland ka furmo shir looga hadlayo sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha  Xukuumadda Soomaaliya,waxaana int badan ka qeyb geli doona Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Maamulada dalka ay ka wada xaajoodaan Sharciga Shaqaalaha Rayidka kaas oo ugub dhexaad u ah Dib-u kabashada dalka Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan Maamul goboleedyada in ay shirkaan si wanaagsan uga qeyb qaataan lana geli doono wadatashi dheer.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media