Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay doorashadii Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dib uheshiisenta Dowlada Faderalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa U Hambalyeyey Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Maanta lagu doortay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in Mudane Waare uu yahay qof aqoon Sare u leh Arrimaha la xariira Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle Dadaal dheer kadibna uu ku guuleystay doorashadii Maanta ka dhacday Jowhar.

Waxa uu ugu baaqay shacabka degan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media