Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Gacanta ku dhigtay Qaraxyo iyo dadkii sameynayay

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii cadiga ahaa waxa ay Maanta ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre  waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga, Cadaalada, dib-uhehsiisiinta iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale intuuuu kulanka Socday ayaa ku simaha taliska NabadSugida Soomaaliya waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen soo qabashada dad diyaarinayay Haamo ay ku jireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo dadka lagu dhibaateyn lahaa.

Golaha Wasiirada aya sidoo kale shirkoodii ku soo hadal qaaday Warar Idaacaddaha qaar ay baahinayeen oo ahaa in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay qaraxyo ka buuxaan.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay Warbaahinta u Akhriyay Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media