Dhageyso:-Xubnaha ugu sareeya Xisbiga Wadajir oo ka hadlay Xarigii Maanta loo geystay

Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya waxa ay Hotelka Maka Almukarama ee M/Muqdisho ka soo wateen Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo Xogheyaha Xisbigaas Sayid Cali Cabdulle in kastoo markii dambe la siidaayay.

Shir Jaraa’id oo ay Warbaahinta ugu qabteyn Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in si argagax ah loogu soo galay Hotelka Maka Al-Mukarama iyaga oo la qadeynayay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale  ayaa sheegay in dhammaan iyaga iyo raggii la joogay taleefoonadii laga qaaday sidoo kalena la baaray Qolalkii Hotelka Maka  Al-Makarama uu lahaa

Waxa uu sheegay in Ciidamadii hotelka ku soo weeraray ay ahaayeen kuwa Nabadsugida Soomaaliya oo  uu hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Farxaan Maxamuud Qaroole oo uu sheegay in uu ka mid yahay Saraakiil ay horay u dacweeyeen.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in qadka taleefoonka ay ugu jireen Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo ku xigeenka Ciidanka Nabadsugida Jaamac iyo sidoo kale Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Madaxtooyada.

Waxa uu shaaciyay in xiligaas aysan ku jirin abaabul Siyaasadeed oo ay wadeen basle ay ka warheleen ku dhawaad 30 askari oo Gudaha Hotelka soo galay ayna argagaxeen sida uu hadalka u dhigay.

“Si argagax leh ayaa waxaa hotelka noogu soo galay 30 Askari baaris kadib waxa ay nasaareen Gaari banaanka u yaallay kadibna waa ay nasoo wadeen waxa ay naga soo leexiyeen Wadada dabka runtii Sarkaalkii nahoogaaminayay dhowr mar ayuu taleefon ku hadlayay mudo kadibna waxay  naga soo celiyeen meel Hotelka agtiisa ah sixoog ah ayayna taleefoonadeenii u qaateen ayuu yiri Kamal Guutaale”

Dhinaca kale waxaana isaga Shirka Jaraa’id ka hadlay Xogheyaha Xisbiga Wadajir Sayid Cali Cabdulle waxa uuna sheegay in weerarkan uu la mid ahaa kii dhacay 17 Bishii December 2017 isla markaana ay ku kala duwan yihiin kaliya in ay kala ahaayeen Habeen iyo Maalin.

Hoos Ka Dhageyso  Shirka Jaraa’id ee Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media