Dhageyso:-Xoogsatada Hargeysa oo ka cabanaya Ajaanibta ku sugan Magaaladaas

Qaar ka mid ah dadka Xoogsatada ah ee ku nool Magaalada hargeysa ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku arkeen qaar ka mid ah dadka Ajaanibta ah eek u sugan Gudha Magaalada Hargeysa.

Deeq Daahir Faarax oo gudoomiye ka ah Urur ay ku bahoobeyn Timajarayaasha ka Shaqeysa Magaalada Haregysa ayaa waxa uu sheegay in Ajaanibtaas ay wadaan dhibaatooyin qaarkood lidi ku ah Diinta Islaamka,ayna ka mid tahay in Haweanka ay Timaha u jaraan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaarkood ay iibiyaan waxyaabaha Maanka dooriya,islamarkaana Masuuliyiinta Soomaliland iyo kuwa Magaalada Hargeysa intaba ay ku wargeliyeen dhibaatooyinka ay dadka Ajaanibta ah ku hayaan Shacabka Magaalada Hargeysa.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media