Dhageyso:-Xildhibaano Warqad dacwo ah u gudbiyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Isqabqabsi aad u weyn oo dhanka maamulka ah ayaa xiligaan ka taagan Maamulka gobolka Hiiraan,waxan isqabqabsigaas uu yahay mid soo jiitamayey ilaa Madaxweynihii hore ee Maamulka hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xildhibaannada Hir-Shabeelle qaarkood ayaa aaminsan in xilalka ugu muhiimsan ee Maamulka gobolka hiiraan beelaha qaarkood lagu koobay,isla markaana ay arrinkaasi dhaliil ka qbaan.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Beelaha dega Gobolka Hiiraan qaarkood ay xilalkaas isku koobeen,isla markaana taasi aan waxba ka soo kordheyn,waxa uuna sheegay in dad gaar ah ay maagcyo iska qoretn sidoo kalena ay xilalkaas magacaabeen.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ay u gudbiyeen Warqad dacwo ah oo ay uga cabanayaan in arrinatas wax laga bedelo,isla markaana wadatashiyo laga sameeyo hadii xilal la magacaabayo.

Hadalka Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa ku soo aadaya xilli maalma kahor xilkii laga qaaday guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,isla markaana in uu xilka wareejiyo shroud ku xiray.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media