Dhageyso:-Xildhibaano ka horyimid ansixinta Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Waxaa isasoo taraya Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta diidan ama dhaliilsan Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

In ka badan 70 ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in ay aad uga soo horjeedaan ansixinta Golaha Wasiirada,islamarkaana kulamo Gooni Gooni ah ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolks Baay.

Sidoo kale waxaa jira Siyaasiyiin iyo waxgarad taageersan Go’aanka Xildhibaanada waxana ka mid ah Ugaas Axmed Xaaji Xasan,waxa uuna sheegay in Go’aanka Xildhibaanada uu yahay midkii loo baahnaa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Ugaaska in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan aysan xiligaan wanaagsaneyn in uu ku mashquulo magacaabista Golaha Wasiirada balse ay aheyd in uu soo Magacaabo Madaxweyne ku xigeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Ugaaska

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media