Dhageyso:-Xildhibaano ka digay qalalaaso Siyaasadeed

Xildhibaano Cabdi fitaax Axmed oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in uu uga mahadceliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo kala dhex galay Sabtidii kadib kulan laga cabsi qabay in fowdo ay ka dhacdo kulankii Baarlamaanka uu hakiyey.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaano yar oo fowdo ka dhex wada golaha Shacabka,kuwas oo doonaya in ay qabtaan kulan cod Gacan tag ah  loogu qaado mooshinka gudoomiye Jawaari taasina ay ka digayaan.

Waxa uu sheegay in waqtigaan ay ka digayaan in fowdo Siyaasadeed ay ka dhacdo hadii Arbacada la qabto kulanka Golaha Shacabka,ilsa markaana Madaxweyne Farmaajo laga doonayo in xiisada Siyaasadeed ee taagan uu xalka keeno.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi fitaax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media