Dhageyso:-Xildhibaano iyo Wasiiro isku khilaafay Magaca Nabad iyo Nolol

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta ayaa waxaa la horgeyey Sharciga Shirkadaha oo su’aalo ay xildhibaanadu ka weeydiiyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Intii ay socotay Su’aalo weeydiinta Wasiirka ayaa Xildhibaan Axmed Macalin fiqi waxa uu su’aal ka keenay Erayga Nabad iyo Nolol oo inta badan ay adeegsato Xukuumadda taas oo uu sheegay in aysan suurtagal aheyn.

Xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in Sharciga Maanta uu Xildhibaannada kahor akhriyey Wasiir Maareeye uu ku arkay meel ay ku qoran tahay Erayga Nabad iyo Nolol,isla markaana Eraygaas uu yahay mid waqtiyar socda oo ay wataan madaxda dowladda hadda jirta laakin uusan garaneyn dowlad la yiraahdo Nabad iyo Nolol.

“Waxaan ku arkay meelo badan ay ku qoran tahay Dowladda Nabad iyo Nolol,runtii Wasiirku meesha uu ka keenay ayaa laga rabaa dowladda Nabad iyo Nolol dahii uu ula jeedo Xukuumadda hacadeeyo sharcigaana waa sharci la doonayo in waligeyd uu soomaaliya ka Shaqeeyo laakin Magac qolo gaar ah wadato laguma Shaqeyn karo,aniga dowladda waan ka tirsanahay waligeyna maba arag dowladda Nabad iyo Nolol.

Wasiir Maareeye ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ka jawaabayay hadalka Xildhibaan Fiqi aya sheegay in sharciga Shirkadaha uusan ka mid aheyn Erayga Nabad iyo Nolol balse barnaamijka Xukuumadda uu yahay Eraygaas kaas oo horay Xildhibaanadu ay ugu ansixiyeen magacaas xilligii la magacaabayay ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media