Dhageyso:-Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka oo ka shiray Xariga C/Cabdi Shakuur sheegayna in ay la xisaabtamayaan Madaxda Dowladda

Xildhibaanada iyo Senatorada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa kulan ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa wxa ay si kulul u cambaareeyeen falkii xalay lagu weeraray Hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Sidoo kale  waxa ay dalbadeen  in si dedeg loo sii daayo, cidii amartay weerarkii lagu qaaday gurigiisa mas’uuliyaddana ay qaadato.

Kulanka kadib ayaa Saxaafada waxaa la hadlay Senator Yuusuf Geele Ugaas waxa uuna sheegay inkastoo siqaldan loo weeraray Guriga Siyaasiga hadana waxaan arrintaas kala hadalnay madaxda dowladda war fiicana kalama kulmin ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ay ahaayeen Xasuuq haatana waxa dalka ka socda ay yihiin hadii aad iga hortimaado baasuuke ayaan idinla dhacayaa waxaasna cid ka yeeleyso majirto ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sigaar ah ula hadlay xildhibaanada labad Aqal ee  ka soo jeeda beesha Hawiye waxa uuna sheegay in lagu jiro la xisaabtan isla markaana wixii dhacay ay kula xisaabtamayaan cida masuuliaydeeda qaadeysa .

Hoos Ka Dhageyso Codka Senetar Yuusuf Geele Ugaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media