Dhageyso:-Xildhibaano gudbinaya dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Gobolka Hiiraan gaar ahaan degaano hoostaga degmada Baladweyne ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo u kuurgalayay xaaladaha ka jiray Gobolkaas.

Mudanayaashaas waxaa ka mid ahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeezow waxa uu sheegay in safarkii ay halkaasi ku tageen uu ahaa mid Guul ku dhamaaday isla markaana ay la Shaqeeyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in ujeedadii ay halkaasi u tageen xalinteeda ay qeyb weyn ka qaateen,islamarkaan ay kala Shaqeeyeen ku xigeenada Gobolka Hiiraan basle ay waayeen Gudoomiyiha Gobolka Hiiraan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay la yaabeen waxyaabaha uu ula Shaqeyn waayay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu qoonsaday laakin taasi ay weeydiin donaan Madaxweynaha hir-Shabeelle una gudbin doonaan dacwad ka dhan ah gudoomiyaha.

Mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ahaa kuwo u kuurgalayay xaaladaha Amni iyo mida nololeed oo ay ku sugan yihiin Shacabka gobolka Hiiraan inta ay ku guda jiraan fasaxdooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media