Dhageyso:-Xildhibaano dalbaday in dib loo soo celiyo C/Kariin Qalbi Dhagax

Intii uu socday kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanda qaarkood waxa ay dood ka sameeyeen dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagac.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kulanka ka hadlayay ayaa sheegay in wx ksta oo dhacayba in ay qalad aheyd dhiibistii Qalbi Dhagax in haatan la doonayo in dadkii dhiibay ay qoraan Warqad lagu so celinayo.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi yaa isna sheegay in Warbixintii ay Baarlamaanka Soomaaliya horkeeneyn Guddigii loo xil saray Kiiskii Qalbi dhagax uu ku raacsan yahay isla markaana dhiibstiisi ay qalad aheyd.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli qodobo kale ay dhiman yihiin Warbixinta sidaasna loo baahana yahay mudo Todobaad ah Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax in dalka  lagu soo celiyo.

Hoos Ka Dhageyso Codadka labada Xildhibaan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media