Dhageyso:-Xildhibaankii Jubbaland ee Xasaanada lagala noqday oo hadlay iyo xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Kismaayo

Shalay Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubblnd Warqad ka soo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in xasaanadii lagala noqday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulkaas.

Maanta ayaa Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo Shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in laga been abuurtay isla markaana loo soo jeediyay eedeymo been abuur ah.

Waxa uu sheegay in Warqadaas oo uu saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ay tahay mid Sharcidaro ah maadaama aan lasoo marsiin Baarlamanka Jubbaland isla markaana Dstuurka la hareer maray.

Tan iyo wixii kad ambeeyay shalay ayaa Magaalada Kismaayo waxa ay gashay xaalad Siyaasadeed oo kacsanaan ah,iyada oo la soo sheegayo in ay jiraan Xildhibaano Xabsiga la dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media