Dhageyso:-Xildhibaanadii Federaalka ee tegay Cadaado oo lagu eedeeyay hurinta khilaafka Madaxda Galmudug

Dhawaan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa tegay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya si ay xal uga gaaraanb khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug oo weli ka taagan Cadaado.

Xildhibaanadaas ayaa mudo kadib waxa ay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku sheegeen in ay ku guuldareesteen xalka gaarista khilaafka Madaxda Galmudug iyaga oo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faraha kula jirto.

Farxiyo Xasan Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegtay in khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Galmudug ay wanagsaneyd in ay iyaga wax ka weeydiiyaan.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in weli ay Xabsi guri ku jiraan Madaxda Galmudug qaarkood isla markaana xildhibaanada Federaalka aysan xurriyadooda u soo celin Madaxdaas, dhanka kalena uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media