Dhageyso:-Xildhibaanada mooshinka ka wada Shariif Xasan oo sheegay in loo hanjabay

Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa ka jira mooshin ay wadaan xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo ay ka wadaan Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayaana ka socda Magaalada Baydhabo, waxaana dhanka kale jira Xildhibaanda Koonfur Galbeed qaarkood oo sheegaya in loo soo dirayo fariimo hanjabaad ah looguna sheegayo in la dilayo.

Xildhibaan Cibaado Cabdi oo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo la hadashay Dalsan ayaa sheegtay in iyada loo soo diray fariimo hanjabaad ah oo loogu sheegayay in la dili doono,taas oo ay ku sheegtay in ay masuul ka yihiin Masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in iyagu ay ka Go’an tahay in ay gudbiyaan mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan isla markaana xiligii hore ay ahaayeen 91 Xildhibaan balse haatan ay kor u dhaafeen ilaa 100 Mudane.

Sikastaba majiraan warar rasmi ah oo cadeynaya in Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaarkood loo dirayo fariimo hanjabaada ah marka laga reebo hadalka Xildhibaanad Cibaado Cabdi Cali oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cibaado

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media