Shalay waxaa soo ifbaxay khilaaf soo kala dhexgalay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo ka dhashay kadib markii Golaha Shacabka ay Go’aamiyeen in ay la kulmaan Gudoomiyaasha Baarlamaanada Dowlad goboleedyada.
Sonater Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa marka hore qiray khilaafka balse uu yahay mid aan saas u buurneyn,maadaama Xubnaha Aqalka Sare oo aan horay u jirin iyo nidaamka Federaalka oo aan horay u jirin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in tani ay ka dhalatay shirka Golaha Shacabka uu iclaamiyay ee ka dhici lahaa Bydhabo si ay ula kulmaan gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in iyaga dhankooda ay ku dadaali doonaan sidii ay dhex dhexaadin u sameyn lahaayeen,dhankoodana labada Gudoomiye looga baahan yahay in ay sugaan inta laga meel marinayo Dastuurka dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sonater Xuseen Sheekh Maxamuud.