Dhageyso:-Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo laga dalbaday in ay cadeeyaan  Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabelle waxaa ka taagan hadalheynta Mooshinkii ay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlaamaanka Maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Hir-Shabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in mooshinka ay keeneen xildhibaanada uu yahay mid aan sharci aheyn oo dastuurka jebinaya.

Wax uu sheegay in hadii ay cadeyn u hayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan madaxweyne Cali Cabdulalahi Cosoble ay soo gudbiyaan balse aysan aheyn in ay mooshin iska keenaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Cosoble inta uu xilkaan hayay uu waxbadan qabtay islamarkaana dhaliilaha ay u jeedinayaan aan waxba ka jirin.

Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Hir-Shabeelle

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media