Dhageyso:-Xildhibaanada Aqalka Sare oo Guddi u xilsaaray dadkii lagu laayay weerarkii Bariire

Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka  Soomaaliya ayaa Muqdisho ku yeeshay kala-fadhigoodii labaad kulankiisi 9,aad  waxaana ajandaha uu ahaa ansixinta iyo dhaarinta xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee xaduudaha iyo Federaalka kaas oo loo dhaariyay Zakariye Xuseen Cusmaan.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa wax ay ka doodeen dhacdooyinka dagaalkii deegaanka Xeraale duqeyntii jilib iyo dhacdadii deegaanka Bariire ee dadka Shacabka ahaa lagu dilay.

Wax ay Goluhu ka codsadeen gudiyada arrimaha Gudaha difaaca iyo amniga in ay warbixin rasmi ah ka keenaan dhacdooyinkaas,iyaga oo Goluhu ka tacsidayeeyay dadkii ku geeriyooday dhacdooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Guddiga ayaa sidoo kale laga codsaday,in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo gudbiyo warbixinada ku aadan dhacdooyinka Dagaalkii Xeraale , duqeyntii Jilib iyo werarkii deegaanka Xeraale.

Ugu dambeyn Golaha Aqalka Sare ayaa galaya fasax dhanka ciida ah,iyada oo la isku oo laaban doono wixii ka dambeeyay 10 bisha soo socota ee Secember.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca baarlamaanka Aqalka Sare ayaa sharaxaya waxyaabihii looga hadlay kulanka oo dhamestiran

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media