Dhageyso:-Xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka hadlay hadal ka soo baxay Amiirka Dalka Qatar

Khudbadii ugu horeysay ee uu jeedo ayuu Amiirka dalka Qadar  ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay deris yihiin si arintaas xal looga gaaro khilaafka Wadamada Khaliijka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Amiirka dalka Qatar taasi uu keeni karo in uu hoos u dhigo khilaafkii u dhaxeeyey Wadamada Khaliijka islamarkaana xal buuxa laga gaaro khilaaflkaas.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay tahay wax lagu amaano mowqifka ay ka qaadatay khilaafkaas halka dowladdihii hore ay horay Go’aan aad u fudud u qaadan jireen.

Hoos Ka Dhageyso codka Xildhibaanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media