Dhageyso:-Xildhibaan Fiqi”Madaxda Dowladdu waxa ay dhiirri gilanayaan Musuq maasuqa dalka ka jira”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in xiligaan dhammaan la iibinayo hantidii Qaranka.

Waxa uu sheegay in Masuuliyin ka tirsan dowladda ay masuul ka yihiin isla markaana Hantidii Qaranka lagu arkayo suuqayada iyaga oo beec ah ah taasina ay cadeyn u hayaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in tani ay masuul ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka taas oo sababtay in Golaha Wasiirada ay dalka ka dhistaan guryo waaweyn halka Xarumihii Wasaaradaha ay yihiin kuwo burbursan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in musuq maasuqa dalka ka jira uu saameeyay dhammaan Xafiisyada dowladda sida Madaxda Sare, iyo dhammaan qeybaha kale ee dowldda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media