Dhageyso:-Xildhibaan Dr Cabdi Cali”Xarunta Golaha Shacabku waxay isku bedeshay Gole Geel”

Xildhibaan Dr Cabdi Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aad u dhaliilay Shaqooyinka ay haayaan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in Xeer hoosaadka Baarlamaanka meel cidlo ah looga tegay,isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro.

Waxa uu sheegay in xeer hoosaadka loo sheego in ay u cadeeyeen balse mudo kadib hana codkoodii lagas oo qaado mid aan waxba ka jirin.

“Runtii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado,subax walbana wax aanan aqoon ayaa nagula soo qaado.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanyaasha Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Xarunta Golaha Shacabka ayuu sheegay in maalin walba lala yimaado in qpf walba wixii uu doono uu sameeyo.

Runtii subax walba wixii aan qabano waxba kama jiraan ayay noqdaan waxaa nala leeyahay guddiga joogtada ayaa bedelay yaa awood u siiyey xaqiiqdii xildhibaanada yaa la eedeyn Xarunta Golaha Shacabku waxay isku bedeshay Gole Geel”

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media