Dhageyso:-Xildhibaan Dalxa”Madaxda dalka ayaa ka gaabisay dhismaha Darbiga ee Kenya ka wado Balad Xaawo”

Tan iyo markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale dib u bilaawdo dhismaha derbiga ay dhiseysay Xadka ay degmada Balad Xaawo kala wadaagto Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayay dadaalo looga hortegayay.

Shacabk Bald Xaawo ayaa k horyimid dhismahaas,waxana isla maanta kulan ka leh gudiga difaaca Golaha Shacabka,sidoo kalena la filayo in dowladda Soomaaliya ay dhawan wefdi u dirto.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Sare ee dalka ay arrintaan ka gaabiyeen si Kenya ay dib uga laabato dhismahaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gudoonka Golaha Shacabka aysan dardargelin ka hadlida derbiga ay Kenya ka dhiseyso degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dhismaha derbiga ah ee dowladda Kenya ak dhiseyso Magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa dagaal  iyo banaanbaxyo kala hortegay Shacabka degmadaas,waxaana sidoo kale Maanta la filayaa in ay War ka soo saaraan Gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media