Dhageyso:-Xildhibaan Dalxa oo soo bandhigay Wadada loo mari karo sugida amniga Muqdisho

Iyada oo maalmihii lasoo dhaafay falal amnidarro gaar ahaan dilal qorsheysan ay ka dhacayeen Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in mudo laga daba wareegayey sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho balse dowladdu aysan weli ku guuleysan.

Isaga oo wareysi siinayey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in marka hore ay ku dadaasho sugida amniga labada gobol ee Shabeelooyinka ee labada dhinac ka xiga Muqdisho.

Masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee degmooyinka ayuu sheegay in ay shacabka kala kaashaadaan sugida amniga waaxyaha kala duwan ee degmooyinka taas oo horseedi karta xasilinta amniga Caasimadda.

Sikastaba dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sameysay ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata sugida amniga muqdisho,waxaana daba socda dilalka qorsheysan ee ka dhacaya xaafado ka mid ah muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa.

140503_004

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor