Dhageyso:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah uga digay in ay lacago ka qaataan Dowladdo Shisheeye

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.

Xildhibaanka oo Maanta sigaar ah ula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ah looga baahan yahay in ay sheegaan dhaliilaha dowladda sida wasiirada iyo dadka kale ee Madaxda ah laakin mucaaradnimadu aysan noqon mid wax dumisa.

Waxa uu sheegay in mucaaradku aysan aheyn in ay noqdaan kuwo dowladdo shisheeye xiriir la sameeya,isla markaana lacago  ka soo qaata dalkana soo geliyo taas oo aan dan ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqdaan kuwo dan ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed laakin aysan ka aqbali doonin in dowladda iyo mucaaradkaba in ay sameeyaan waxyaabo dhibaato ku ah Shacabka.

Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 30 Bishii December ee Sanadkii tegay ee 2017 in uu yahay wax laga xumaado,waxa uuna ka dalbaday in baarlamaanka soomaaliya ay gudi u saaraan isla markaana dowladaha Shisheeye ee lagu xamanayo hadii ay ku cadaato dalka laga saaro.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media