Dhageyso:-Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre”lacag taan qaado ee Madaxweynaha rid ayaa dalka ka socota”

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee dalka ka jira iyo faragelin la sheegay in lagu hayo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xiligii hore ay jiri jirtay in qof Siyaasi ah ama Xildhibaan lacag lasiiyo si qofkii uu jecel yahay u doorto balse taas hadda laga gudbay ayna mareyso in qofka la yiraahdo lacagtan hoo ee Madaxweynahaaga rid sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaaka ayaa tusaalo u soo qaatay dowladda Kenya oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad ku saabsan dhanka Badda oo uu sheegay hadii ay dhowr Milyan Siyaasiyiin soo siyaan ay qalalaaso abuuri karto.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xiisadaha Siyaasadeed ee haatan Soomaaliya ka jira looga gudbi karo in lahelo Siyaasiyiin Wadaniyiin ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media