Dhageyso:-Xildhibaan Bashiir Ibraahim Aadan oo sheegay in Ciidamada dowladda lagu dayacay D/Qansax dheere kana tageen

Xildhibaan Bashiir Ibraahim Aadan ahna Xogheyaha Guud ee Guddiga Amniga iyo Xaduudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatooyin oo uu sheegay in ay heestaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Xildhibaanka oo Waresi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in degmada Qansaxdheere xiligaan aysan joogin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya halka deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana howlgallo ka wadaan.

Waxa uu sheegay in degmadaas ay horay ugu sugnaayeen ilaa 100 (Boqol) Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda islamarkaana ay degmada isaga tageen halka qarkood dandaro iyo rafaad ay u dhinteen taasna ay sababtay Garaan la’aan iyo Xaquuq la’aan qabsatay Ciidamadaas,lana lunsaday Xaqoodii sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadii yaraa ee joogay degmada Qansaxdheere oo ahaa Boqol Askari iyana waa ay kala tageen qarkoodna gaajo iyo duruufo ayay u adkeysan waayeen waxa ayna ku sigteen in ay Al-Shabaab ku biiraan balse anaga ayaa dhiiragelinay dad qaas ah ayaa xaqoodii lunsaday,waxana ka dalbaneynaa Madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaraha in musuq maasuqii ay la dagaalamayeen ay ka run sheegaan islamarkaana ciidamadaas ay xaqooda meel ku sheegaan ayuu yiri xildhibaanka.

Gaba gabadii ayaa waxa uu sheegay in hada degmada Qansax dheere ay ku sugan yihiin Ciidamada Amisom kaliya,marka laga reebo Ciidamo yar oo ka socda kuwa Koonfur Galbeed,waxana dowladda laga rabaa in ay usoo dirto wafdi xaqiiqo raadin ah ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Xildhibaanka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka oo intaas ka faah faahsan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media