Dhageyso:-Xildhibaan Aqalka Sare oo taageeray Go’aankii Wadamada Khaliijka Xiriirka ugu jareen Qatar

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan Go’aankii Wadamada Khaliijka ay xiriirka ugu jareen Wadanta Qatar.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Go’aanka dhex dhexaadnimada ah oo ay qaateen madaxda ugu sareysa dalka uu ahaa mid aan laga fiirsan islamarkaana ay wanagsaneed in tageero loo muujiyo Go’aankii Wadaamda Khaliijka qaarkood ay xiriirka ugu jareen dowladda Qatar.

Waxaa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Soomaaliya ay xiriir soo jireen ah la laheyd Wadamadaas badankood islamarkaana danta dalka iyo dadka soomaaliyeed ay ku jirtay in dowladda Qatar xiriirka loo jaro sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in inta aysan madaxda sare ee dalka Go’aanka dhex dhexaadniamda ah qaadan ay wanaagsaned in qaraar la geliyo islamarkaan laga wada tashado.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media