Dhageyso:-Xildhibaan Abuukaate oo ka hadlay go’aankii Madaxweyne Farmaajo ku hakiyey Kulankii Golaha Shacabka

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Go’aankii madaxweyne Farmaajo uu ku hakiyey kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee Maanta lagu balan sanaa.

Xildhibaanka oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa sheegay in tallaabada uu kulanka ku hakiyey Farmaajo uu yahay mid wanagsan oo u baahan in la taageero maadaama Maanta dadku ay ka cabsi qabeen in kulanka uu noqdo mid fowdo ku soo dhamaada.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu daacad ka noqon doono isla markana si kalsooni leh uu u dhexgalo khilaafka Golaha Shacabka, si xal buuxa looga gaaro khilaafka.

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta la hakiyey ayaa dad badan waxa ay aamin sanaayeen in hadii uu qabsoomo ay ka dhalan karto fowdo basle Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in la hakiyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Abuukaate.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media