Dhageyso:-Xiisado colaadeed oo ka taagan Gobolka Sanaag

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Xiisadan ayaa timid kadib markii Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ay Gobolka Sanaag geeyeen Sanaadiiqda codbixinta Doorashooyinka sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka ku nool Gobolka Sanaag.

Waxa uu sheegay in Maalma ka hor uu dhacay Mudaharaad ay dhigayeen Koox dhalinyaro ah kuwaas oo sheegayay in aysan dooneyn Soomaaliland sida uu hadlka u dhigay.

Horay ayaa waxaa Warbaahinta hadalo xanaf ah  isku mariyay Wasaaradaha Warfaafinta Maamulda Puntland iyo Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka mid ka mid ah dadka Gobolka Sanaag.