Dhageyso:-Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab oo ka taagan G/Baay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliy ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalkaan ayaa waxaa laga sameeyay tuulooyin hoosyimaada deegaanka Goofgaduud Buureey halkaas oo habeen ka hor ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay oo lagu Magacabo Cabdulalahi Sheekh oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ay yihiin howlgalladaas kuwa lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in loo diyaariyay Agabkii iyo Saanadii ay ku hwolgelle lhaayeen.

‘Runtii ciidmadu waa kuwo 24 Saac howlgal ku jira si ay uga hortagaan Al-Shbaab oo weeraro markasta ku soo qaaday shalay oo ugu dambeysay wxay soo weerareen deegaanka Goofgaduud Buureey balse ciidamad ayaa ka hortegay ayuu yiri Sarkaalkaas”

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media