Dhageyso:-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka horyimid Go’aankii Maxkamada G/Banaadir

Kadib Go’aan ka gaaristii Maxkamada Gobolka Banaadir kiiskii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa Go’aankaas Maxkamada ka soo horjeestay xeer ilaaliyaha Qaranka.

Axmed Cali Daahir oo Saxaafada Shir Jaraa’id Muqdisho ugu qabtay ayaa  ku tilmaamay Go’aankii Gudoomiyaha Maxkamada Sare mid Sharcidaro ah isla markaana ay racfaan ka qaadanayaan.

Waxa uu sheegay in Xeer ilaalinta aan marnaba loo ogolaan waqti ay baaris ku sameyso isla markaana la dhinac maray Go’aana lagaaray taasina ay tahay in sharciga la jebiyay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in aysan muhiim aheyn in laga hadlo dembiga eedeysanaha balse ay aheyd in xeer ilaalinta laga ogolaado in ay baaris sameyso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media