Dhageyso:-Xeer ilaalinta Soomaaliya oo Maanta laga Sugayo Caddeynta eedda loo haysto Siyaasi C/Cabdi Shakuur

Arbacada Maanta ayaa waxaa xeer ilaalinta laga sugayaa in ay soo gudbiso cadeynta dembiga loo soo jeediyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Qareenka u doodayo Siyaasiga  Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur  Tahliil Xaaji Axmed ayaa sheegay in xarigiisa aan loo marin sifo sharci ah islamarkaana dowladda laga doonayo jawaab cad.

Waxa uu sheegay in Arbacada Maanta laga sugayo cadeynta dembiga lagu soo oogay eedeysane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, oo Maalintii Saddexaad Gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.

Xarigaas ayaa dhaliyay kacdoon badan iyo dhaliilo loo jeedinayo madaxda ugu sareysa dalka ee ku aadan in ay caburineyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qareenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media