Dhageyso:-Xayawaanka Haramcadka oo weeraray Qoys degan Walaweyn khasaarana u geestay

Aroorimadii hore ee Saakay waxaa mid ka mid ah Xaafadaha Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose soo weeraray Xayawaanka loo yaqaano Haramcad kaas oo geestay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Xaafada lagu Magacaabo Caanoole, oo ka mid ah Xaafadaha degmadaas qoys deganaa ayuu soo weeraray, waxaana la sheegay in uu sababay dhimashada mid ka mid ah Caruurta ay dhaleen qoyskaas  waxaana sidoo kale Shabeelku uu dhaawacay 5 kale.

Ismaaciil Mire Agaasimaha Radio Walaweyn ee Shabeellaha hoose oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in aan la garanaeyn Haramcadkaas halka uu ka yimid isla markaana dadku ay la yaaban yihiin..

“Runtii hadalheynta degmada ee Maanta waa Haramcadka dadka dhibaateeyay dadkuu waxyeeleyay haatana waxa la geeyay Isbitaalka Walaweyn balse ugu dambeyn dadweynaha Walaweyn iyo ciidamada oo Qoyska badbaadinaya ayaa dilay Shabelkii ayuu yiri Ismaaciil Mire”

Sidoo kale waxa uu shegay in aan looga baran degmada Walaweyn in lagu arko Xayawaanka Haramcadka basle taliska booliiska Walaweyn ay haatan baadi goob ugu jiraan halkii uu ka yimid Shabeelkaas.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media