Dhageyso:-Xaliimo Yareey”Dhaqaalihii lagu geli lahaa doorashada soo socota waa in Xukuumadda laga helaa”

Iyada oo la filayo in doorashada soo socota ee dalka Soomaaliya ka dhaceysa ay noqoto mid qof iyo cod ah ayaa hadana Guddiga doorashooyinka waxa ay shaacinayaan in loo baahan yahay Dhaqaalihii ku bixi lahaa doorashadaas.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa sheegtay in hadii doorasho la gelayo ay tahay mid u baahan qarash farabadan.

Waxa ay sheegtay in doorashooyinkii horay uga dhacay Soomaaliya ay dalka u geysteen dhibaatooyin xaga dhaqaalaha,is lamarkaana ay dhici karto in xiliga doorashada markale la sheego in lagu celiyo suurtagalna ay tahay in Dhaqaalo la waayo.

Sidoo kale wax ay sheegtay in sikasto ay ahaataba in markii uu waqtigeeda dhamaado Dowladda hadda jirta in doorasho ay dalka ka dhaceyso isla markaana waqtiga loogu talo galo aysan dhaafi doonin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xaliimo Yareey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media