Kadib markii y bilaabatay doorashada dalka kenya waxaa gebi ahanba hakad galay isu socodka Gaadiidka iyo dhqdahqaaqa Ganacsi ee ka dhaxeeya gobolka Jubbada hoose iyo Gudha dalkaasi kenya.
Qaar ka mid ah Darawalaiinta ka Shaqeeya Xaduudka u dhaxeeya Wadamada soomaaliya iyo kenya dhanka Xadka Gobolka Jubbada Hoose aya waxa y sheegen in doorashadas ay saaameyn weyn ku yeelatay islamarkaana ciidamada kenya ay xireen.
Waxa ay sheegeen in tani ay keentay sara’ukac ku yimid qar ka mid ah Maciishadaha kala duwan ee laga isticmalo gudaha Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo laga keeni jiray dalka kenya.
Sikastaba dowladda kenya ayaa ciidamo farabadan geeysay xadka ay la wadaagto dalka soomaaliya taas oo loo sababeeyay arimo la xiriira doorashada ka socota Gudaha dalkaasi kenya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Darawaliinta