Dhageyso:-Xaalado Bani’aadanimo oo ka jira deegaanada Koonfur Galbeed

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu booqday deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan isla markaana oo la wadaagay madaxda dalka.

Waxa uu siagar ah u sheegay in degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ay ka mid tahay deegaanada ugu daran isla markaana Fuustadii Biyaha ah ay xiligaan ka gaartay 100, OO Shilinka Soomaaliga ah.

Waxa uu ugu baaqay madaxda dalka in ay xaaladaas Bani’danimo ay wax ka qabtaan, isla markaana dhibaatada ugu daran ay tahay biyo’laan Ceelalna dadkas loo qodo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka