Dhageyso:-Xaalada deegaanka leego oo kacsan iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku wajahan

Gabaldhicii xalay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom qeybtooda dalka Uganda iyo ciidamada dowladda Soomaaliya  ee ku sugnaa deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose Guuda ahaan waxa ay faaruqiyeen deegaankaas.

Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom oo watay Gadiidka dagaalka ayaa dhowr Sano kadib u ruqaansaday dhanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxana intaas kadib xiriir aan la sameynay maamulka deegaankaas.

Abuukar Cabdulaahi Isxaaq Al-Cadaala gudoomiyaha deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Wareysi siiyay Radio Dalsan aya sheegay in arintaan ay ka dambeysy kadib markii la sheegay in Ciidamo ka socda kuwa Itoobiya ay deegaankas tegi doonaan iyaga oo bedelaya kuwa Uganda ee isaga baxay.

Sidoo kale gudoomiye Al-Cadaalada ayaa qirtay in Xalay ilaa Maanta deegaanka leego uu yahay mid maamul la’aan ah kadib ka bixitaankii Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Somaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameestiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media