Dhageyso:-Weerar markale lagu qaaday Koontoroolka Siinka-dheer & Wararkii u dambeeyey

Weerar ayaa markale waxa uu Barqanimadii Maanta uu ka dhacay koontoroolka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in mar qura laga war helay weerar lagu soo qaaday Koontoroolka Siinka-dheer,isal markaana halkaasi uu ka bilaawday dagaal mudo daqiiqado ah socday.

Waxa uu sheegay in Hubka noocyadiisa kala duwan sida kuwa Garbaha laga tuuro lagu soo weeraray koontoroolka,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,balse isagu uu indhihiisu ku arkay dhaawaca dad rayid ah oo gaaraya ilaa 3 ruux.

“Hal mar anaga oo goobta iska joogno ayaa waxaa hub culus uu ka soo dhacay dhul geedo ku yaalla koontoroolka agtiisa,ciidamada iyana rasaas ayey ku fureen,khasaaro wuu ka dhashay dagaalka laakin aniga Saddex dhaawac ah ayaan arkay hadana wax gaadiid ah oo maraya wadada majiraan oo ciidamada ayaa celiyey ayuu yiri qofka mid ah dadka deegaanka.

Sikastaba xalay fiidkii ayay aheyd markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Koontoroolka siinka-dheer waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in weerarkaas ay iska caabiyeen.

Hoos Ka Dhageyso Qofka kamid ah dadka deegaanka oo uu wareystay Wariyaheena Saleemaan Raage.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media