Dhageyso:-Weerar Dhimasho iyo dhaawac geystay oo Caawa ka dhacay Degmada Hodan

Weerarkaan ayaa ahaa Bambaanooyinka Gacanta laga tuuro kaas oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafada zeybiyaano ee degmada Hodan.

Weerarkaan Bambaano ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Dad Shacab ah oo ku sugnaa Fariisinka Ciidamada dowladda ee weerarka bambaano lagu qaaday.

Goobjooge ku sugnaa goobta ayaa Dalsan wax uu u sheegay in Goob ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ka agdhaw Suuqa Caanaha lagu gado ee Zeybiyaano,weerarkaas bambaano kadibna ay Ciidamadu rasaas fureen.

Waxa uu sheegay in weerarkaas bambaano uu ku geeriyooday nin darawal bajaajle ahaa kaas oo u geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamadii bamka lagu weeraray balse uusan sheegin khasaaraha ay geysatay bambada.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan oo sideedii hore ku soo laabatay.

Hoos Ka Dhageyso codka Qofka Goobjooga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media