Dhageyso:-Waxyaabihii looga hadlay Maanta kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Mudanayaash Baarlamanka Soomaliya ayaa maant kulankoodi cadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Xarunta Golah shacabka ee Magaalada Muqdisho,kaas oo manta la horgeeyay sharciga la dagaalank Musuq maasuqa.

Inta uu kulanka socday ayaa Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka hor Akhriyay qorshada dhismaha Guddiga Madaxa-Banaan ee la dagaalaanka musq masuqa kaas oo la filayay in uu Maanta maro akhrinta Koowaad.

Wasiir Xsan Xaaji ayaa Xildhibaanada Baarlamanka u faah faahiyey Shaqooyink uu qabanayo guddigaan iyo muhiimada uu leeyahay dhismaha guddigaan la dagaalanka Musq maasuqa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ku sheegay in uusan meesha ka cadeyn Miisaaniyada uu ku Shaqeyn lahaa Guddigaan islamarkaana ay muhiim tahay in lacadseeyo taasoo keentay in Wasiirka dib loogu celiyo.

Ugu dambeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaatay hadalka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad,ee ahaa in la cadeeyo miisaaniyada guddiga Madaxa-banaan ee la dagaalanka Musq maasuqa,iyada oo Wasiirka dib loogu celiyey,si uu Wasiirku u soo cadeeyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media