Dhageyso:-Waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka+Sawirro

Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Korjoogteynta Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada.

“Ujeedada kulankeenna maanta waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib u eegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Korjoogteynta Arrimaha Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran.

Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wadashaqeeyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media